Bidhaamin weeye dalkeena inaan ka saaro dheeliga siyaasadeed.doqoni waa moog,in dalkeena burburkii iyo dagaaladii sokeeye 1991 laga soobilaabo in dawlado shisheeye arinkaa ka danbeeyeen. Waxayna ka faa iidaysanayeen marwalba oo adeegsanayeen daba dhilifyo soomaaliyeed nasiib daro.Abwaan ayaa hees wadani ah ku tilmaamay xiligaas hore oo aan dawlada ahayn sidan”Gumaysigu nimuu dilay haduu idinku gaylamo idina aad u guuxdaan,guulaystayaaloow hee dhaha golaha tawradeen sare intay gaari ka rayaan?” ” Go aankii ay keenaan,hadaad gari waydaan, oo goolkay dhaliyaan gees kale ulaa daan guulaystayaaloow golaha dawradeen sare inteey gaari karayaan?” Midhahaas ayaa kamid ah.
Hadaba gumaystihii ina kala qaybiyay,isku keen diray ayaa markaynu burburay inagu soo dhex tuuray dastuur ku sheeg lagu curyaaminayo soomaaliya raganimadeedii iyo awoodeeda.waa fariin dibada laynooga keenay loona soo dhiibay rag soomaaliyeed oo u heelan inay dalkeena ka hirgaliyaan oo ina marsiiyaan si indho adayg ah.waxay soomaaliyeey walaalayaal inaga dhigayaan sidooda oo kale dadkala diin ah,kala nasab ah,kala isir ah,kala af ah. waxaana laynoo quuri layahay inaynu nahay isku af,isku diin,isku isir,isku nasab,isku dal. xasuusta markii gumaysuhu arkay xooga iyo raganimada soomaaliyeed iyo kartida iyo fariidnimada hibada ah ee ilaahay ina siiyay,quruxda iyo qaninimada inoo gaarka ah,midabka uusan ilaahay siinin koon kaan inaga mooyee,dhulka aduunyadan oo dhan uugu qanisan markii la arkay,iyo waliba tiradeena oo aan yarayn iyo baaxada dhulkeena. markii taa la arkay ee la darsay ayaa laga fakaray kuwanoo wax barta mustaqbalka sidana hal dawlad ku noqda afrika iyagaa u talin kadibna aduunkay saamayn wayn ku yeelanayaan. markaa waxaa la qorsheeyay 1884 in iyadoo taa la diidan yahay layna kala qaybiyo,oo laynaga dhigo,kala diin,kala af,kala dastuur,kala dawlad si markaa loowaayo xoogii umadeed ee soomaaliya.
Hadana iyagoo ka faa iidaysanaya burburkeena,ayay inoo keeneen 5 soomaaliya loo qaybiyay labadii xorta ahaa ileen 3 xormahee waa ognahayee ayaa la rabaa in wadajirkoodii iyo awoodoodii dawladnimo la burburiyo oo la diciifiyo,si taa loogarana waxaa layno keenay dastuur ku sheeg shaydaan oo layiraahdo fadaraal fanaka cawdu billaah!! matanaan u fadhinayba! waxay yiraahdeen siday la tahay riyadoodaas aqalo ayaad yeelanaysaan oo waliba darajo kala leh midi waa sareeyaa waayaab!! midka kalana waa hooseeyaa. aqalo baas dheh waabase ninkii gala! waxay sharwada yaashu tusaale u soo qadanayaan,maraykanba waa fadaraal! waxayna is waydiinaynin waa maxay maraykan? sow maha burcadii gumaystaha cadaanka ee amarika dadkii iska lahaa ku duulay ee nag ka dhigay xasuuqay oo tirtiray,sow ameerika maha kuwii hadana dhexdooda qabiil qabiil nag isaga dhigay ee dhulkii dhiciisii isku dilay maha,duruufuhu inay fadaraal uun isugu yimaadaan kuwa dani baday sawmaha,saw xeer iyo dhaqan dhiigyacab maha.ninkii yaqaan ameerika kuma soo daliishadeen ee aqoon buuna u lahayn ama iyaguu u raran yahay.
Adeer soomaaliya waa hal isir,hal diin,hal calan,hal wadan,hal dawlad,hal madaxwayne,hal baarlaaman shacab ka matala siday waligeedba ahayd.dastuur uma baahni waa leeyahay isagoo hufan oo ku salaysan dalkayga iyo dadkayga iyo diintayda.wax nakala qaadi kara iyo cid wax noo yeerin kartaa majirto hal baanahay.intay doonto ha qaadato 3 igamaqana walaahi iyo bilaahi iyo talaahi waan soocelin intay doonto ha qaadato.soomaalidu waa dad facwayn aduunkana qarniyaal bay hogaamin jireen dadkuba badaw ahaa,ma harto soomaalidu godobteeda waa daba galaan,looma fadhiyo inaan is dhiibno iyo inaan harno abid. Adeer soomaaliya halmadaxwayne ayay leedahay waa xasan sheikh,hal baarlamaana waa leedahay,wax intaa kabadalan lama keeni karo dalkeena abadan. war guumaysina kumana jiro waqtina uma hayno.
Waxaan rabaa in uamda soomaaliyeed si fiican u fahanto ma nihin anagu fadaraal,qaadana mayno dastuur laku soo gamay.waa leenahay dastuur nagu haboon oo xalaal ah.dalka anagaa leh dantayadana anagaa naqaan.walaalahay hawiye waxaan leeyahay waayadaan iidinma bogin waxaad ku hadaaqaysaan oo afka laydiin gashay fadaraal iyo fikir shisheeye,mogdisho ayaaba laga hadlayaa caasimad nimadeedii si soomaali loo haligo oo loo baabasho wada jirkeeda markaasaad waxaa ka hurudaan.25 sanadood dalka iyo diintaba idinkaa difaacayay waa taariikh cad lamana inkiri karo wax aydaan rabina nin keeni kara majiro.Adeer duca qaadee ameerikaanoow mogdisho nooga bax kuma bixin ameerikaan ee waxaa helay casharna u dhigay wiilishii soomaaliyeed gaar ahaan hawiye ee libaaxyada ahaa.eithipiaankii 30,000 oo hubkoodii dhan yahay ku yimid mogdisho aaway!!? waxa laga dhigay wax la dilay,wax la dhaawacay iyo wax cararay. dhib intaa kawayn miyaa mogdisho imankara? sidaa daraadeed diidnay fadaraal iyo aqlo baas.shacabka puntland oo aan kamid ahay ma ogolin fadaraal mana gayno. ha fiirinina burcada xooga ku haysata puntland oo wakiil u ah gumaysiga.shacabka eega inayar mooyaane soomaali oo dhan marabto fadaraal.
Soomaaliya waxay u baahan tahay oo kaliya cadaalad iyo sinaan iyo in dalkeena khayraadkiisa iyo siyaasada aynu si fiican oo siman u qaybsano inagoo ah dad walaal ah oo isku dal iyo danba ah.cadaalad bas baan rabanaa.dalkeenana aan difaacano iska celino shisheeyaha iyo shisheeye kalkaalka.
W/Q: Yuusuf Cumar
Email:Mashruuc5@hotmail.com