Muqdisho(AGGM) Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Axmed Cabdikariin Nuur (Axmed daahir) loogu magacaabay in uu noqdo Guddoomiyaha Hey’adda Dib-u-soo celinta & Dib-u-dejinta Qaxootiga iyo Barakacayaasha qaranka.
Digreetada ayaa waxa ay u qorneyd sida tan:-
Xeer Madaxweynaha Lr.102 Taariikh: 30/07/2013
MAGACAABID GUDDOOMIYAHA HEY’ADDA DIB-U-SOO CELINTA & DIB-U-DEJINTA QAXOOTIGA IYO BARAKACAYAASHA QARANKA
MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, xarafka ‘K’ ee Dastuurka Jamhuuriyadda F.S
Markuu Arkay: Qodobka 97aad, Faqradda 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda F.S
Markuu Arkay: Qodobka 100aad, Xarfahiisa ‘A’ iyo ‘D’ ee Dastuurka J.F.S
Markuu Arkay : Qodobka 87aad, Farqadda 2aad ee Dastuurka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya
Markuu Aqbalay: Go’aanka Golaha Wasiirada iyo Soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ref: XRW/MGC/00072/07/13, Taariikh: 28/07/2013
Markuu Tixgeliyay: Baahida loo qabo in la magacaabo Guddoomiyaha Hey’adda Dib-u-soo celinta & Dib-u-dejinta Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka
Wuxuu soo saaray Xeerkan
Qodobka 1aad
Laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 30/07/2013 waxa uu Madaxweynuhu u magacaabay Mudane Axmed Cabdikariin Nuur (Axmed-Daahir) in uu noqdo Guddoomiyaha Hey’adda Dib-U-Soo celinta & Dib-U-Dejinta Qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka.
Qodobka 2aad
Waxa uu xeerkan dhaqangalayaa markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa faafinta rasmiga ha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
MUQDISHO 30/07/2013 Digreetadaan oo nuqul ka mid ah soo gaartay Warbaahinta Qaranka Waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com