Ururka suxufiyiinta qaranku waddamo badan, oo haysta dowladnimo ku dhisan hannaanka tala-wadaagga iyo siyaasadda caadyaalnimada maamul, waxa uu ka dhigan yahay derbi adag oo hay’adaha fulinta, ka hor istaaga in ay saameyn iyo galaangal aan sharci ahayn ku yeeshaan warbaahinta madaxa bannaan.
Muran gaaray heer maxkamadeed kadib, waxa suurtagal u muuqda tartan iyo olole loogu jiro in la is doorto oo cod-bixintu noqoto cidda go’aamineysa qofka kamid noqonaya hoggaanka ururka suxufiyiinta qaranka, taas oo macnaheedu yahay in haybadda iyo shaqsiyadda qaanuun ee urukaasi, ay ku biireyso ururada loo aqoonsan yahay in ay metelaan warbaahinta qaranka ee waddamadooda.
Guddi is xilsaaray oo ay ku jiraan milkiiliyaal warbaahineed ayaa qayb ahaan sabab u ahaa in wax u muuqda heer wax lagu dooran karo, ay soo gaarto qabanqaabada shirka ururka suxufiyiinta qaranku, qaarkood ayaa ii sheegay in ay dhib iyo qalalaase kala kulmeen qabanqaabada howshan.
Billowgii qorshaha hirgelinta iyo qabashada shirka doorashada hoggaanka Ururka suxufiyiinta qaranka waxa jiray, qaanuun la mood-loo dejiyey in doorashada iyo codeyntu u dhacdo, hayeeshee markii dambe waxa ay guddigu ii sheegeen in qayb ahaan laga tanaasulay, tusaale waxa jiray qodobo sheegaya in aanay codeyn Karin milkiilayaasha iyo dadka leh go’aanka shaqaaleynta ama shaqo kasaaridda ee warbaahinta, hayeeshe qodobkaasi waa shaqeyn waayey, kadib dood iyo falanqeyna waxa la qaatay in ay yeeshaan cod iyaga oo metelaya xarumahooda.
Sidaas oo kale waxa jiray qodob sheegaya in codbixiyeyaashu ay ka yimaadaan hay’ado warbaahineed, sida xarumaha wargeyska, Telefeshinka iyo Raadiyaha, taasina ma shaqeyn, markii la arkay sida aanay taasi u socon karin, qodobkaas waa laga tallaabsaday, waana sababta uu u soo baxay magaca “Qorrax-joog, oo malaha loola jeedo Suxufi aan metelin xarun warbaahineed, hayeeshee leh xirfadda baahinta.
Xil ka qaadistii garsoorayaashii maxkamadda sare iyo racfaanku, waxa ay ahayd tallaabo waxtar u leh in shirka Ururka suxufiyiinta qaranku u qabsoomi si ka fog dacwad laba dhinac leh, oo hal dhinac la dhegeysto, kadibna xukunku ku soo baxo dhegeysiga hal-dhinac, taas oo si walba u qilaafsan hannaanka dhegeysiga dacwooyinka iyo waxa la isku haysto iyo habka soosaaridda iyo tifaftirka go’aanada garsoorka.
Inta aan ogahay hadda waxa ku tartamaya xilka xog- haynta laba suxufi, Waa Maxamed Ibraahim Nuur (Macalimuu) iyo Cali Cabddulaahi Cabdi ( Calibaashi) sidaas oo kalana waxa jira xilal kale sida guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa oo iyagana lagayaabo in loo tartamo ama in la magacaabo.
Warbaahinta Puntland oo kamid ah kuwa wax ka dhisanaya ururka suxufiyiinta qaranka, waxa muddo ka dhex jiray walaac iyo jahawareer ka haystay sidii iyo habkii ay uga soo qaybgeli lahaayeen shirka, inta badan walaacaasi waxa uu ka taagnaa habka shirku u socdo iyo ku lug lahaanshaha maxkamadda sare iyo tan racfaanka ee shirka, sidaas oo kale waxa ay ii sheegeen in ay ka walwalayeen suurtagalnimada in laba shir oo kala duwani dhacdo, taas oo sii dheereyn karta in ururku ku sii jiro jahawareer iyo dood ku saabsan milkiyaddiisa.
Dhanka Jubbooyinka cabasho weyn ayaa ka jirta, Tusaale waxa jira tuhun ku saabsan in aanay ka soo qaybgelin kulanka ergo metesha 4 xarun Raadiye iyo hal telefeshin oo fadhiguudu yahay Jubbaland, sidaas oo kalana waxa jira oo ay cabashada Jubbaland ka timid, ku dhisan tahay in shaqaale ama suxufiyiin wakiil uga ah Muqdisho, iyo kuwo ka soo jeeda goboladaasi ay Xamar iska magacaabeen, iyaga oo aan haysan ogolaanshaha Warbaahinta Jubbaland, taasina ay keentay in warbaahinta Jubbaland u aragto in loo metelayo si aanay raalli ka ahayn, sidaas waxaa ii Sheegay C/naasir Axmed Saxansaxo agaasimaha warbaahinta dowlad-goboleedka Jubbaland.
Muran weyn ayaa ka taagan hadda tirada ergada bixin doonta codkooda, iyo xeerka codbixintaas hagi doona, shirku waxa uu socdaa isaga oo aan lahayn xeer iyo nidaam qoran, hayeeshee guddiga maamulaya ayaa maskaxda ku haya habda waxa la qabanayo, muddo yar oo aan dhex fadhiyey waxa ii muuqday in shirku yahay mid aan muraad iyo meel uu u socdo lahayn, ee maaweelo iyo madadaalo u ah dadka ka qaybgelaya.
Dhanka xulidda ergadu xeer iyo xisaab ma leh, hadba qofkii la doono ayaa loo xiraa kaarka codeynta, sidaas awgeed halkaas waxa ka iman doona in qof aan meelna metelin ama aan ahayn xirfadle uu helo awood uu cod ku bixiyo.
Waxa aan arkay qof aan haba-yaraatee lahayn xirfad baahineed oo haysta kaarka ergada, waxaaan weydiiyey sida uu ku helay, waxa uu ii sheegay in qof loogu soo dhiibay, lagana codsaday in uu u codeeyo cidda uu doonayo qofka u soo dhiibay Kaarka codeyntu, sidaas oo kale waxa jiri kara kaarar badan oo habkaas ku baxay, taasina waxa ay keeni doontaa dhowr arrimood, oo ay kamid yihiin:
- In sida muuqata qaab tororog ah wax loo doorto, oo codbixiyeyaasha faraha badani iska ishaafalateeyaan, sidaasna uu ku soo baxo hoggaan musuq iyo been abuur ku yimid.
- In ergadu is qabato oo dadka metelaya xarumaha baahineed iyo xirfadleyaashu diidaan in qof walbaa codeeyo, taasna ay ka dhalato in lagu kala tago.
- In maamulada aan shirka ku jirin sida Jubbaland ay diidaan oo ay dhankooda u tumaan sheeko cusub.
- In hoggaankii hore ku soo laabto talada, isaga oo daliishanaya in aanay jirin wax dhaama.
Xalka:
- Ogaalkeyga iyo waxa aan ka fahmay habka uu shirku u socdo waxa ku jira maamulka shirka xubno olole doorasho ka dhex wada shirka iyaga oo hugan magaca maamulka iyo hoggaanka shirka, si aanay u soo degdegin halis, shirka oo dhan kala daadisa, waa in qof walba oo ku jira hoggaanka shirka oo leh damac ah in uu xil helo, ama in qof uu doonayaa ay soo baxdo, uu ka baxo hoggaanka shirka, islamarkaana noqdaa Musharax ama ololeeye musharaxnimada cidda uu doonayo.
- Tirada Ergada codkoodu go’aaminayo cidda kamid noqoneysa hoggaanka ururka suxufiyiinta qaranku waa in ay noqoto mid go’an oo la yaqaan, hay’adaha ay metelayaan iyo shaqsiyaadka madaxa bannaan ee haysta kaarka codbixinta, tusaale waxa aan la hadlay labada musharax ee u tartamaya xilka xog-haynta ururka suxufiyiinta qaranka, midkoodna ma yaqaan tirada ergada bixin doonta codka kala saari doona, taasina waa ceeb iyo maamul xumo uu leeyahay hoggaanka shirku.
- Xeerka codeynta iyo habka ay u dhaceyso doorashadu ma muuqdaan, taasina waxa ay keeni doontaa muran iyo jahawareer cusub, taasina waa in ay meesha ka baxdo.
- Iyaga oo ku mahadsan howshii ay soo qabteen,Hoggaaminta shirku waa in ay ka baxdaa gacanta milkiilayaasha,madaxda warbaahinta iyo xirfadlayaasha madaxa bannaan ee howsha wax ka wada
- Guddiga doorashada ee howsha shirka la wareegaya, waa in la hubiyo in aanay ku jirin ololeeyeyaal iyo taageerayaal musharixiin, taasina waxa ay keeni doontaa halis ku timaadda shirka.
- Dhismaha ururka suxufiyiinta qaranku waxa uu u baahan yahay in ay ka qaybgalaan xirfadleyaal dhanka qaanuunka ah, iyo aqoon yahan dhanka maamulka ah, sidaas awgeed waa in doorashada hoggaanka uruku heshaa la taliyeyaal qaanuun, haddii kale waxa lumi doonta shaqsiyadda qaanuuniga ah ee uruku u baahan yahay
W/Q:- Axmed Ciise Guutaale
FG: Qoraalkani waxa uu ka turjumayaa aragtida qoraaga oo keli ah.