Dowladda Urdun oo sheegtay in dad loo Xeray dilkii ka dhacay dalkaasi

0

Dowladda Urdun ayaa sheegtay in qof loo xiray dilka shan ka mid ah askarteeda.

Qofka la xiray ayaa looga shakinayaa inuu ku lug lahaa dilka qaar kamid ah ciidamada sirdoonka ee Urdun.

Askartaasi waxaa lagu dilay xero qaxootiga Falastiiniyiin ah ay ku nool yihiin oo ku taalla meel u dhow caasimadda.

Dowladda waxa ay weerarka ku sharaxday mid qof shaqsi ah uu geystay.

Urdun waxay qeyb ka tahay isbeheysiga Mareykanka uu hogaaminayo ee dagaalka kula jira Daacish ee dalalka deriska la ah Suuriya iyo Ciraaq.