Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allaah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallaamu calaykum waraxmatullahi wabarakatuh.
Inta ay ku gudo jirno qormadan waxa aynu isku dayi doonaa inaan si qoto dheer oo cilmiyaysan uu lafa gurno waxa ay tahay cilmaaniyadu , halka ay kasoo jeedo,waxa dhaliyay soo if bixideeda iyo islaamka waxaa uu ka qaba cilmaaniyada. Anagoo dhinacyo badan iska taagi doonaa.
Waa maxay cilmaaniyad?
Cilmaaniyadu waa erey asal ahaan Latiin ah ( Latin word ) oo micnaha uu xambaarsan yahayna uu yahay in lakala dheereeyo ama la kala saaro diinta iyo siyaasada, ama waxa kale oo aynu oran karnaa cilmaaniyadu waa in doorka diinta lagu soo kooba cibaado oo kaliya ee aan si dhamaystiran loogu dabaqin nolosha gaar ahaan xaga isku xukunka.
Xagee ayay kasoo jeeda asal ahaan cilmaaniyadu?
Sanadkii 1846 ayay ahayd markii ugu horaysay ee usoo shaacbaxay ereygan cilmaaniyad iyadoo wadanka ingiriisku uu ahaa cidii ugu horaysay ee isticmaashay dhaqan galisayna,kadibna waxaa uu ku baahay badi wadamada reer yurub iyo calaamka intiisa kale.
Maxaa dhaliyay soo shaacbixida cilmaaniyada?
Cabasho wayn iyo gadood ba,an oo ka dhashay nidaamkii xaakimada ee wadamada reer yurub oo xiligaas ay majaraha u hayeen wadaadada kiristaanka oo uu fadhigoodu ahaa kaniisadaha ayaa asaas u ahaa soo shacbixida fikirkaan kala saaraya diinta iyo siyaasada, kadib markii dadku ay xamili kari wayeen dulmigii iyo dhibtii ay kala kulmayeen wadaadada kaniisadaha ayay ubaahdeen inay ka hoos baxaan dhibtooda iyo shidadooda ,halgankii loogu jiray ka hoos baxa xukunkooda ayaa dhalay soo shaacbixida cilmaaniyada si ay u kala fogeeyaan siyaasada iyo diinta isla markaas ay isaga moosaan doorka kaniisaduhu ay ku leeyihin xukunka iyo hogaaminta.
Islaamka iyo cilmaaniyada?
Eebe wayne waxa uu quraankiisa inoogu bayaamiyay in diinta kaliya ee eebe agtiisa ay tahay diinta islaamka ( إن الدين عند الله الإسلام ),waa diin dhamaysiran oo isu dheelitaran dhan walba oo laga eego dhan siyaasadeed,dhaqaale,cafimaad,horumarineed,bulsheed iwm.
waa diin aan lahayn wax dhaliil ah oo lagu qoonsan karo,waa diin eebe nagu galadaystay si aan aakhiro iyo aduunba ugu badbaadno,waa diin kulansatay wax walba oo aadane ubaahan yahay, maadama bili,aadamka Eebe abuuray hadana sida uu abuuray ayuu dantooda iyo masaalaxdoodana uga badiyaa iyaga, diinta islaamku waa sharci iyo nidaam buuxa oo dhamaystiran.
Ma jiro qof islaamnimadiisu dhamaystirantahay oo diinta islaamka la,aanteed noolaan karo,hadaba cilmaaniyadu waxa ay dadka musliimiinta ah ee diinta islaamka u nasab sheegta ugu yeeraysa diin la,aan iyo habow. Eebe waxaa u yiri (فَتُؤْمِنُونَ بِبَعْضِ الْكِتَابِ وَتَكْفُرُونَ بِبَعْضٍ ) kitaabka qaybna ma rumaynaysaan qaybna ma ka galoobaysaan.
sida salaada,soonka,sakada iyo xajku ay waajibka u yihiin ayaa in la isku xukumo kitaabka Allena waajib u yahay, hadaba hadii alle iyo rasuulkiisu nafareen inaan kitaab eebe isku xukuno iyo sunnada rasuulka, cilmaaniyadu waxaa ay na faraysaa in lakala saaro siyaasada iyo diinta hadaba hadii aynu Islaam nahay kee ayaynu raacaynaa?. waxay ilatahay qof walba oo islaamnimadiisu toosan tahay inuu oranayo waxaan raacaynaa yeermada eebe iyo subaniihiisa.
cilmaaniyadu waxaa ay xamaabarsan tahay diin la,aan waa afkaar lidi ku ah gabi ahaanba diinta islaamka waa qorshe loogu tala galay in lagu dumiyo diinta islaamka,kadib markii ay socon waayeen fikrado badan oo ka horeeyey sidii nidaamku shuuciyada, khatarta cilmaaniyada iyo diin la,aanta ay huwan tahay waa arin muhiim ah oo loo baahan yahay in qof walba oo muslim ah uu u toog hayo kana warqabo iskana jiro si aan loogu dagin.
Badi wamada muslimka ah waxaa majaraha u haya dad aaminsan afkaartaas kala saaraysa nolosha iyo diinta, majirto wax horumar ah oo ay kusoo kordhisay marka laga reebo inay diintoodii islaamka ee xaqa ahayd ay ka fidnaysay mooye.
wadamadda reer yurub awalkii hore waxaa ay ahaayeen dad ku sugan mugdi iyo diin la,aan oo dan iyo baahi baa ugaysay inay qaatan afkaartan habowga ah, balse ma jirto wax baahi ah oo wamadda muslimiinta ah u gaynaysa qaadashada afkaartan khatar ah ee diin la,aantu gundhiga u tahay maadama ay haystaan diintii islaamka ee xaqa ahayd.
si aynu uga baxno mugdiga,habowga,duliga iyo dhunsanaanta waa inaan diinteena suuban dib uga laabanaa iskana ilownaa afkaarta guracan ee ay ugu horaysa midan cilmninaaniyada loo yaqaan.
qofkii aan ogaynow ogow macnaha dhabta ee cilmaaniyadu waa diin la,aan iyo xaqa oo looga ambado,Ilaahay ayaan kaga magan galnay cilmaaniyada.
W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed ( Kambale )
Email: Geeljire1900@gmail.com