MAQAAL: SOOMALIYA DABAYAAQADII QARNIGII 18 NAAD IYO BILOWGII QARNIGII 19 NAAD IYO XAALKA MAANTA.

0

Waa arin mudan in dib loo eego lana barbardhiga sida maanta xaalku yahay si aad odoros ug bixisid halka Soomaaliya laga sooceliyey iyo meesha loo wado,waa arin mudan in lagu baraarugo oo qarankaan sii dhumaya oo meesha mugdiga ah loo wado aan wada badbaadino,waa arin loo baahan yahay halkudhegii gubanimadoonka ee ahaa (Soomaaliyee Toosa,Toosa oo Isku Tiirsada)! In maanta si dhab ah boorka looga jafo oo Soomaali meel ay joogtaba guntiga dhiisha iskaga dhigto.

Farta maasha aan daro,waayaha aan sare ku xusay waa soo galootigii gaalada ee gayigeena ,bal see xaalku ahaa waxay Soomaaliya ahayd qabaail ay hogaamiyaan odaydhaqameedyo dalkuna waa u qaybsanaa oo ninba dacal buu ka talinaayey,ayaga laftooda baa kala duwanaa oo qaar reerguuraa bay horjooge u ahaayeen reer walbana qayb dhulka ka mid ah buu ilaashan jirey oo daaqeeda iyo biyaheeda ayagu lahaayeen,qaarna sadanooyin dawlado u eg bay ahaayeen,waxaana ka mid ahaa tii Boosaas ,tii Hobyo,tii Taleex iyo tii Gobolka Banaadir.

Wax xiriir wada shaqayna oo ka dhexeyey ma jirin dhammaantood, bal loolan dhexdooda ah baa ka dhexeeyey oo dalka iyo dadka lagu tartamayey niba is lahaa adiga ha lagu hoos yimaado,ujeedada isticmaarka gaalada lama wada fahansanayn marka laga reebo Reer Taleex(Daraawiishtii iyo Reer banaadir(Reer Siyid Barqash iyo Biyamaal oo ilaa xeebaha koofureed Deegaan u ahayd.

Wixii dhacay waxay noqdeen in odaydhqamedyadii lala heshiiyo qolaba gaarkeeda iyo sadanooyinkii qaarkood sidaasna dalka lagu qabsaday qaar, ayada oo waliba kuwii lala heshiiyey laga dhigtay xoog loo adeegsaday kuwii madaxadayga muujiyey,sida Daraawiishtii Maxamed Cabdile Xassan,Sadanadii Siyid Barqash iyo suldaankii Biyamaal oo muujiyey isticmaar diid kana dagaalamay.

Aan soo gunaanadee xaalka maanta miyeysan u ekayn in naloo qaybiyey qabaailkii sadanooyinkaas ku hoos noolaa ee ay ku fududaatay in Soomaaliweyn shan meelood loo qabiyo,wixii sahlay aqoonla,an iyo jaahilnimo saldhig haw ahaatee,sow loo ma marin qabiil iyo odaydhaqameed?sow ugu danmbaytii rag uma kicin oo soo ma celin labadiin qaybood ee sikugu yimid Jamhuuriyada Soomaaliya?

Sidee xaalku yahay maanta?Sow nooma muuqato sadanooyinka samaysmay min Lowyacado ilaa Raas Kambooni oo aan midna mid xukumin oo mid walba gaalo cadaan iyo madoowba toos xiriika ula galay?

Sow Qaa,inimada saddexda nin ee dalka u sareeya oo xamar fadhiya masuulkama aha hooga iyo ba,aas?

Odayaasha dhaqanka inta dareenka wadaniyaded leh,aqoonyahanada,ganacsatada,xisbiyada abuuran siyaasiyiintooda, baarlamanka xilkiisii laga xayuubuye wixii damiir leh,dhalinyarada,haweenka iyo dhammaan shacbiga waxaan ku guubaabinayaa in arintaan loo wada istaago oo dadkii abuuray Jamhuuriyada Soomaaliya oo qaarkood rag iyo haweeba u dhinteen ,yaanaan iska khasaairin ubadkeenana meel foolxum u horseedin,mana harin hadal lays yiraahdo oo aan ahayn kacdoon dadweyne oo qaarkeen ku dhintaan lakiin caruurta dhaxal u noqonaaya.

Anigu waxaan ahay todobaatan jir jigana marabo qoraalkaan iyo kuwo hore waa dardaaran aan dadkayga uga tagayo ,aad bayna u fiicnaan lahayd in haddii xaalku sidaan ka badalan yahay laga faaloodo oo la ii caqliceliyo taarikhda wixii aan ka khalday waan ka cududaaranayaa.

Wabilaahi Tawfiiq,

W/Q: Cabdullaahi Jimcaale Faarax,
London, UK