Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ay xoojin doonaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Dagaal xoogan kula jira Xarakada Al Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada AMISOM, Janaraal Cismaan Subagle ayaa waxuu sheegay in loo baahan yahay in wad shaqeyn xoogan ay dhex marto Xoogaga AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.
Janaraal Subagle ayaa hadalkan waxuu ka jeediyay shir uu goobjoog ahaa Taliyaha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Maxamed Aadan Axmed, isagoona hoosta ka xariiqay hadii la helo wada shaqeyn labada dhinac in Al Shabaab laga adkaan karo, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale, Janaraal Subagle ayaa waxuu qeexay hadii amniga Dalka aysan ku wareejin Dowladda Federaal in howlgalka AMISOM-na uu yahay mid fashilmay waxuuna carbaabay in loo baahan yahay wada shaqeyn xoogan.
Dhiniciisa, Taliyaha Ciidamada Xooga Soomaaliya, Janaraal Maxamed Aadan Axmed ayaa ugu baaqay Xoogaga Dalka Soomaaliya, AMISOM iyo Wadamada deeqaha bixiya in ay si wada jir ah u shaqeeyan si buu yiri horey loogu dhaqaajiyo howlgalka AMISOM.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Janaraal Maxamed Aadan Axmed waxuu ugu dambeyn cod dheer ku sheegay in wax waliba ay ka guuleysan doonaan hadii ay gacama isqabsadaan, waxuuna ku taliyay sameynta wada shaqeyn xoogan.