DHAGEYSO:- Maamulka Puntland oo war ka soo saaray wararka sheegaya in la qabsaday Garoonka Gaalkacyo, farina u diray Dowladda

0

Maamulka Garoonka Diyaaradaha C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya ay la wareegeen Garoonkaasi, kadib markii Warbaahinta qaar ay baahiyeen warkaasi.

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo C/raxmaan Yuusuf Dhagaweyne, ayaa beeniyay ciidamo inay qabsadeen Garoonka, wuxuuna wararkaasi ku tilmaamay kuwa been abuur ah.

Wuxuu sheegay Garoonka Gaalkacyo xaaladiisa inay tahay mid hagaagsan oo duulimaadyadii caadiga ahaa ee ka shaqeyn jiray ay si toos ah u howlgalayaan.

Warbaahinta qaar ayuu ku eedeeyay inay faafinayaan warar been abuur ah oo qal qalgelinaya dadka ku nool Magaalada Galkacyo iyo deeganada Maamulka Puntland.

Saacidihii la soo dhaafay qaar ka tirsan Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada DANAB oo ka tirsan Kumaandooska Somaliya ay la wareegeen gacan ku haynta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-