CAAFIMAADKA MIYAA LA ISKU RABAA? – Wax Ka Ogoow Xaaladda Murugada Leh ee uu ku Jiro orodyahankii matalay Soomaaliya ee Wacdaraha ka dhigay Beijing 8 Sanno ka hor Ee KANEECO

0

raaaas

 

Ciyaaraha FM ayaa booqatay guriga orodyahankii dalkeena Somalia u matalay ciyaarihii Olympic Games ee ka dhacay caasimadda dalka China ee Beijing sannadkii 2008dii.

Cabdinaasir Siciid Ibraahim oo loo garan ogyahay Kaneeco, waxuu la ildaranyahay Xanuun Dhimirka ah tan iyo markii uu kasoo laabtay ciyaarihii Olimbikada Adduunka ee dhacay sideed sanno ka hor.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu mudadaas dheer la ildarnaa cudurkaan, ma jirto cid daryeeshay, mana jirto  cid soo booqatay ha noqdaan Guddiga Olimbikada Somalia ee GOS ama Dowladihii mudadaas soo maray dalka, iyadoo Kaneeco uu ku xiran yahay guriga qoyskiisa oo ku yaalla degmada Warta-Nabadda ee gobolka Banaadir.

Aabihiis Siciid Ibraahim ayaa la hadlay Ciyaaraha FM, wuxuuna sheegay inuu wiilkiisu muddo dheer ku xirnaa xarigaan isla markaana aysan jirin cid booqasho ugu timid, wuxuuna ku eedeeyey qaranka Soomaaliyeed oo dhan inay rabeen wiilkiisa markii uu caafimaadka qabay markaasoo ay u wadan jireen, sida uu hadalka ku dhigay Afric, Asia iyo qaraado kale halkaasoo uu uga qeybgalay tartamo kala duwan.

Aabaha dhalay Kaneeco, mudane Siciid Ibraahim ayaa u caddeeyey Ciyaaraha FM inuu wiilkiisu kusoo xanuunsaday dalka Kenya sannadkii 2009kii markaasoo uu halkaas u joogay ciyaaro orodo ah oo uu ku matalayey magaca dalkeena Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in qoyska Siciid Ibraahim uusan keliya ka xanuunsaneyn Kaneeco, balse sidoo kale waxaa jira wiil uu dhalay Kaneeco kaasoo dhashay isagoo bareelis ah xilligii la qorsheynayey in dalka dibaddiisa loo qaado si caafimaadkiisa wax looga qabto ayaa waxaa uu cudurkaan dhimirka haleelay aabihiis Kaneeco, taasoo keentay in la iska iloobo wiilkaas yarka ah si mar uun loo daweeyo aabihiis, oo uu u yahay curad xigge.

Mudane Kaneeco, oo ah halyeey qaran isla markaana haatan la dhibtoonaya cudurka dhimirka wuxuu ahaa shaqsigii labaad ee Soomaaliya u matalay ciyaarihii Olimbikada Adduunka 2008dii, wuxuuna garab taagnaa Saamiya Cumar Yuusuf Rabbi Naxariistiisa Janno haku maneystee, taasoo sannadkii 2012kii ku geeritootay tahriib ay ku mareysay badda u dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga iyadoo isku deyeysay inay gaarto caasimadda London ee UK si ay uga qeybgasho ciyaarihii Olympic Games London 2012.

Xigasho:- Idaacada Ciyaaraha FM

W/D:- Wariyaha Idaacada Ciyaaraha FM Nuune Cali Xasan ” Habeysane”.

Muqdisho Soomaaliya

Tell:- 0615-854241

kaneeco 1 Kaneeco 2 kaneeco 3