DAAWO MUUQAAL:- Waxgaradka Buuhoodle oo Shir xasaasi isugu yimid iyo Go’aano layaab leh ay soo saareen

0

Kadib markii ay soo shaac baxday xubno kasocday Khaatumo oo tagey Soomaaliland waxa kala aragti ku yimid Xubnaha Maamulkaasi iyo Siyaasiyiinta Deegaanadaasi.

Magaalada Caynaba waxa dhawaan kulan ku qaatay Mas’uuliyiin Khaatumo katirsan iyo Xubno ka socday Maamulka Somaliland islamarkaana heshiis iyo isku soo dhawaansho labada maamul udhexmaro.

Kulan maanta ka dhacay Degmada Buuhoodle waxa iskugu yimid waxgarad katirsan kuwa Deggan Buuhoodle gaar ahaan Beesha Faarax Xagar ayna kasoo horjeedaan wararka sheegaya in Kulan ka dhacay Degmada Caynaba.

Waxa ay Waxgaradkii kulmay maanta ku dhawaaqeen inay yihiin kuwo aan ku qanacsaneyn Shirka Caynaba ayna Cambaareenayaan.

HALKAAN KA DAAWO