DAAWO SAWIRADA:- Madaxweynaha Soomaaliya oo Saraakiisha Amisom kala hadlay sida loo sugayo amaanka dalka Xilliga doorashada

0

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa waxaa uu Aqalka Madaxtooyada (Villa Somalia) uu kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Somaliya iyo kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Kulankaan oo ahaa mid casho oo Madaxweynaha uu u sameeyay Saraakiishaasi, ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Somaliya oo la hadlaayay Saraakiisha, ayaa bogaadiyay hawlgalka ay hormuudka ka yihiin, isla-markaana lagula dagaalamaayo Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha waxaa uu ugu yeeray inay xoojiyaan gulufka militari ee ka dhanka ah Al Shabaab, si Maamulka Dowladnimo looga hirgeliyo dhammaanba dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhanka kale ka codsaday inay xaqiijiyaan ammaanka goobaha lagu wado in ay ka dhacdo doorashada sanadkan la fillaayo inay ka qabsoomto Somaliya.

Madaxweyne Xasan oo soo hadalqaaday shirka bisha soo socota ee lagu wado in Ururka Goboleedka Igad uu ku yeesho Magaalada Muqdisho, ayuu sheegay inuu yahay mid lagu qiimaynaayo xaaladda amni ee Somaliya iyo isbedelka horumarineed ee ka jira.

Amiirka Ururka Al Shabaab, Sheekh Axmed Cumar (Abu Cubeydah), ayaa bishii July ku goodiyay inaysan yeeli doonin waxa uu ugu yeeray doorasho dimoqraadi ah oo ka dhacda Somaliya.

Weerarada Shabaab, ayaa waxaa la dhihi karaa waxay ku soo uruureen qaraxyo ismiidaamin ah, oo Caasimadda Muqdisho ay ka gaystaan.

Hoos ka Daawo Sawirada:-

Madaxtooyada Madaxtooyada1 Madaxtooyada2 Madaxtooyada3 Madaxtooyada4 Madaxtooyada5 Madaxtooyada6 Madaxtooyada7 Madaxtooyada8 Madaxtooyada9 Madaxtooyada91 Madaxtooyada92 Madaxtooyada93 Madaxtooyada94 Madaxtooyada95