Wasaaradda qorsheynta Soomaaliya oo sheegtay in Somaliland ay ka mid tahay qorshaha qaran ee 3 Sano ee soo socota.

0

Xog-haya joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaaliya ,Cabdi Ciise Diirshe,oo wareysi siiyay Idaacadda Mustaqbal,ayaa sheegay in Qorshaha Qaran ee ay dejisay Wasaaradda Qorsheynta ee saddexda sanadood ee soo socota uu ka mid yahay Maamulka Somaliland.

Waxaa uu sheegay Xoghayaha in Dunidu ay aqoonsan tahay Soomaaliya,islamarkaana hal qorshe wax ku bixineyso,waxaana uu intaa ku daray in qorshaha u degsan Somaliland lagu darayo kan Wasaaradda Qorsheynta ee Dowladda Federaalka ah.

Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Ciise Diirshe ,ayaa Dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’ideystaan Qorshaha horumarinta ee Saddexda Sano ee soo socota oo uu sheegay in uu yahay Qorshe ay ku caana maali doonaan haddii sida uu yahay uu u hirgalo.

Waxaa uu intaa ku daray in Nidaamka Canshuur ururinta ee hadda jira uusan ahayn mid la jaan qaadi kara dunida,islamarkaana ay haddaba ku jiraan qorshe wax looga beddelayo habka Canshuur qaadista Dalka,waxaana uu intaa raaciyay in hirgelinta qorshahaasi uu billaabanaya Bisha ugu horreysa Sanadka soo socda.