Waxgaradka ku nool deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka ka dalbaday in deegaankaasi loogu sameeyo ceelbiyood.
Waxgaradka ayaa waxa ay sheegeen in deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan uu leeyahay Hal ceelbiyood sidoo kalena uusan ku filneyn dadka deegaankaasi ku nool.
Waxa ay sheegeen in nolol xumo dhanka Biyaha ah ay ka jirto deegaankaasi loona baahan yahay in gar gaar lala soo gaaro dadka halkaasi ku nool oo la dhibaatoonaya Biyo la’aan.
Xaalad Biyo yari ah ayaa soo foodsaartay dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Moqokori, waxaana dadka ay u baahan yihiin Biyo iyo gurmad deg deg ah.
HALKAAN KA DHAGEYSO