Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo Burcad sifeyn ah waxa ay ka wadaan wadada xiriirisa Degmada Afgooye iyo Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan ayaa waxa uu yahay mid ciidamada ay ku baadigoobayaan kooxo Burcad ah oo muddooyinkaan dambe dhac ka geysanaayay deegaanada u dhaxeeya Afgooye iyo Wanlanweyn.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay howlgalka in uu weli socdo, ciidamadana ay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Kooxaha Burcada.
Waxa uu sheegay Sarkaalkaasi ragga ay soo qabteen in ay u gudbin doonaan maxkamada ciidamada Qalabka sida si loogu qaado tallaabo sharciga waafaqsan.
Gaadiidleyda isticmaasha wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo ayaa muddooyinkii dambe ka cabanaayay dhac ay kala kulmaan Kooxo Burcad ah.
HALKAAN KA DHAGEYSO