Dalka Itoobiya waxaa ka socda banaan baxyo xoogan oo ay dhigayaan Qowmiyadda Oromada ah kuwaa soo sababay khasaaro kala duwan.
Dibad baxayaasha ayaa ku qeylinaynaya halku dhigyo kala duwan, iyagoo watay boorar ay ku dalbanayeen xoriyad iyo in la sii daayo siyaasiyiinta xabsiyada ku xiran.
Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Mudaaharaadyo ay ka socdaan magaalooyinka kale ee gobolka Oromada, deegaankaas oo ah kan ugu ballaaran dalka Itoobiya.
Mudaaharaadkan waxaa ku baaqay dadka u ol’oleeya qawmiyadda Itoobiya ugu ballaaran ee Oromada.
Waxaa la sheegaya in dawladdu dishay boqolaal dadkooda ah ayna xirtay kumanaan kale tan iyo markii ay mudaaharaadyadu bilawdeen bishii 11 ee sandkii hore.
HALKAAN KA DHAGEYSO