Madaxweynihii hore ee Galmudug maanta waxaa lagu soo dhaweeyay Gaalkayco waxana uu ka hadlay arimo badan markii lasoo dhaweeyay.
Cabdi qeybdiid ayaa sheegay in uu yahay musharax u taagan Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia isla markana uu doonayo in uu ka mid noqdo,
Isagoo hadalkiisa wata cabid qeybdii ayaa maamulka ahlu-suna ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan doorashada dalka Somalia iyagoo ku biiraya maamulka Galmudug isla markana nabada dhinacooda ka qaataan.
Waxa uu dowlada Galmudug ugu baaqay in Shabaab iyo Sharwadayaasha laga saaro dhulka Galmudug isagoo intaasi ku daray in arintaasi tahay bar madow oo Galmudug ku taal.
HALKAAN KA DHAGEYSO