Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlu sunna ayaa sheegay in aysan aqbali doonin natiijo walba oo ka soo baxda shirka arimaha doorashooyinka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho uga socda madaxda Qaranka iyo Hogaamiyaasha dowlad Gobaleedyada oo maalmo badan ka doodayey go’aaminta siyaasada hanaanka doorashooyinka ee dabayaaqada sanadkaan qorshu buu ahaa in dalka ay ka qabsoonto.
Mudane Cali Baashi Madaxwyene ku-xigenka Maamulka Ahlu sunna gobalada dhexe ayaa sheegay haba yaraatee marnaba aysan aqbali doonin qodabada Shirka madasha wadatashiga qaran ee Magaalada Muqdisho ku tilmaamay mid aan waxtar laheyn.
Madaxweyne ku xigenka Maamulka Ahlusuna oo sii hadlayay ayaa xusay inay aminsan yihiin shirka muqdisho uu yahay mid aan looga hadlayn maslaxada dalka iyo dadka soomaaliyeed islamarkaana xubnaha ku shirsan Muqdisho ay inta badan ay ka doodayaan danahooda gaarka ah iyo sidii qaarkood ay u sii haysan la haayeen talada dalka.
HALKAAN KA DHAGEYSO