Wasaarada Cadaalada Puntland ayaa gudi u saartey Xaqiijinta Da’da Caruurtii Alshabaabku so khaldeen Puntland,kuwaaso gacanta lagu so dhigay kadib Dagaal adag oo ciidamada difaaca Puntland ay ku baabiyeen Shabaabkii ku so duulay Xeebaha Bari ee Puntland.
Wasiirka Cadaalada Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay in gudigan uu ka kooban yahayDhaqaatiir,Aqooyahano iyo Xeer ilaalainta Puntland,lana isticmaalidoono qalab Xaqiijinaya Da’da Qofka.
Sidoo kale,Wasiirka ayaa sheegay in Dasstuurka Puntland uu qoraya hadii uu gaaro qofku 15 sano uu qaan gaaryahay,taaso ay qabto diindeenta Suuban Ee Islaamka halka Dastuurka soomaaliya uu qorayo in qofku ku qaangaaro 18 Sano.
Hadalkan ka so baxay Wasiirka wasaarrada Cadaalada puntland ayaa imaanaya xili dhawaan ay puntland yimaaden wafdi ka socda QM,kuwaasi oo Madaxda puntland kala hadalay in Alshabaabkii la xukmay ay ku jireen ilaa 9 Caruur ah.
Ugu Danbaytii dhawaan ayaa la filayaa in gudiga lo saaray Xaqiijinta Da’da dadka lagu so qabtey Dagaalada bishii afaraad ee sanadkan ay puntland la gashan Sharwadayaasha Alshabaab,waxaana noqonaysa arinta Markii ugu horaysan oo baarintaano dhinaca Da’da ah lagu sameeyo Dagaalmayaal Alshabaab ah.
HALKAAN KA DHAGEYSO