XOG+XIISAD KULUL:-Faarax C/qaadir oo diiday inuu doorashada ku Taageero Xasan Sheekh

0

Ilo wareed ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa waxay sheegayaan in hadda khilaaf uu soo kala dhex galay madaxweynaha Dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Xasan Sheekh waxa markii Afar Sano ka hor uu kusoo baxay doorashadii la galay ayaa guushaasi waxa uhorseeday alle ka sokoow Faarax Sheekh Cabduqaadir oo dhiig iyo dhaqaale la daba joogay.

Khilaafka soo kala dhex galay labada mas’uul ayaa lagu micneeyey in sidii Xasan Sheekh laga filayey markii hore uusan noqon oo Faarax ku hilmaamay jago uusan uqalmin.

Saaxiibada Siyaasada Soomaaliya ayey muddo Afar sano iyo ku dhaw ahaayeen Xasan iyo Faarax waxaana ilaa hadda ay yihiin inkastoo isbuucyadii dambe la sheegay in mugdi uu soo kala dhex galay siyaasad awgeed.

Xildhibaan Faarax C/qaadir oo dhaqaale badan ka helay Hay’ado Islaami ah ka hor Siyaasada Soomaaliya inta uusan soo gelin ayaa lagu tilmaamaa Maskaxda laga Hayo Dalka inuu isaga yahay.

Olole uu galo Madaxweyne Xasan Sheekh ma jirin oo waxaa caqabad ku noqday xalinta Saaxiibkiis Faarax C/qaadir oo dhowr jeer la isku dayey in laga qanciyo wax tabashada uu muujinayo.

Xildhibaan Faarax ayaa ka niyad jabay Xasan Sheekh oo Xilka markii loo dooranayey 10-kii September 2012-kii la ogaa inuu kool koolin iyo karti shakhsiyadeed la daba joogay isagana la leeyahay Abaalkii loo galay wuu iloobay.

Ma Cada soo laabashada Xasan Sheekh oo waayo garabkiisii midig ayaa maqan sida qubarada Siyaasadu ay leeyihiin isagoo sheegya in dhaqaale Xasan Sheekh uu udhiibay Faarax C/qaadir uu diiday inuu siiyo.

Xasan sheekh iyo Faarax