SHEEKO CUSUB+LAYAAB:- Khilaaf cusub oo soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya iyo Ciyaartoyda ka qeyb galeysa Tartanka Olambikada Brazil oo la isku heysto

0

Wargeyska Tuko, ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa daabacay in Oordyahanka Soomaaliyeed ee Max’ed Da’uud Max’ed oo Soomaaliya ku matalaya Ciyaaraha Fudud ee ka socda Brazil uu u dhashay Kenya Soomaaliyana uu ku matalayto Brazil.

Wargeyska ayaa ku dooday in Max’e dDa’uud oo ku dhashay Wajeer uu dhowr jeer ka qeyb galay tartamo gudaha Kenya ka dhacayay sida Mombasa,Eldoret iyo meelo kale inkasta oo uusan ku guuleysan in la qaato sida ay sheegeen.

Max’ed waxaa uu ka qeyb galayaa Tartanka Orodka 5,000M,waxaana uu la tartamayaa Dad ay ka mid yihiin Labo tartame oo u dhashay Kenya,halkaas oo ay taal Billad Dahab ah,mid Maar ah iyo mid Qalin ah.

Maxa’ed ayuu Wargeyska ku sheegay in uu ka niyad jabay in ay qaadan waayeen Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Kenya,waxaana uu ugu dambeyntii aaday bey yiraahdeen Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho,halkaas oo uu tartamo Oroddo ah oo uu ka qeyb galy 5 jeer ku guuleystay una sahashay in uu hadda Soomaaliya ku matalo Tartanka Ciyaaraha fudud ee Orodka oo kamid ah Tartamada ka socda Brazil.

Max’ed ayuu wargeysku ku sheegay in uu ku guuld arreystay in uu Qarankiisa Kenya ku jmatalo Ciyaaraha fudud,waa sida uu u qoraye,waxaase u wareegay dal kale oo ay dhaqanm,Luuqad iyo Isir wadaagyihiin,halkaas oo uu ka xaqiijiyay rayadiisa ahayd in uu ka qeyb galo ciyaaraha Caalamiga ah.

Max’ed Da’uud iyo Maryan Nuux Muuse ayaa Soomaaliya ku matalay Ciyaaraha ka socda Brazile,waxaana ay ka mid yihiin kumanaanka Ciyaartooy ee Brazil u jooga in ay ka qeyb galaan tartamada kala duwan ee ka soconaya Magaalada Rio de Janeiro.

Maxamed Dad’uud Maxamed waa Muwaaddin Soomaaliyeed kuna dhashay magaalad Wajeer ee Gobolka Soomaalida Dalka Kenya,waxaana uu eex iyo faquuq kala kulmay Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Kenya oo ka hor istaagay dhamaan isku dayadii uu ka sameeyay tartamada gudaha Kenya.

Waxaana ay hadda muujinayaan Warbaahinta Kenya in ay ka xun yihiin in Maxamed Da’uud Maxamed in uu dalkiisa Soomaaliya ku matalo Caalamka.