Golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka ansixiyay heshiiskii ay xukuumada Somaliland la gashay shirkada DPWorld ee ku saabsanaa maal gashiga dekada Berbera.
Waaxaana saaka golaha fadhiyay 73 xildhibaan. Waxaa heshiiska ogolaaday in la ansixiyo 69 xildhibaan, waxaana diiday in la ansixiyo 3xildhibaan, gudoomiyuhuna ma uusan codayn, sidaasi ayaanu ku ansaxay heshiiskii ay xukuumada Somaliland la gashay shirkadda DPWorld.
Heshiiskan ayaa shalay ay doodiisu ka bilaabantay golaha kaasi oo maantana loo balansanaa in ay ka doodaan sideed xildhibaan oo shalay wakhtigu ka dhacay, balse sideedii xildhibaan ee maanta dooda ulahaa ayaa sheegay inayna ka doodayn heshiiska.
Heshiiskan waxaa dood ka keenay inta badan Dadka shacabka ah iyo Siyaasiyiinta,waxaana waxyaabaha lagu diidayo ka mid ah in saamiga Dakhliga Dekadda Berbera ay 65% qaadato Hay’adda DPWorld,halka Somaliland ay ka heleyso 35%,taas oo ay shacabka ka biya diideen.