Ururka falaagada argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa kulan waxay uqabteen Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Ajuuraan ee degga Gobolka Jubada Dhexe islamarkaana lacag diyo ah oo beesha sida la tilmaamay lagu leeyahay laga qaaday.
Kudhawaad kun iyo Shan Boqol oo Halaad ayaa la sheegay in Beesha bixinteeda laga sugayo maadama lagu leeyahay,Labo nin oo xubnahooda qeyb ka mid ah waayey ayaa lasiiyey 982 Neef oo Halaad Geel ah.
Kulanka ayaa geba gabadiisii Raashin bisin iyo Hilib la kariyey lagu cunay laguna faatixeystay sida ay falaagada argagixisada ah ee al Shabaabku sheegeen in ay guul kusoo dhameeyeen arintii xalkeeda loo fadhiyey.