Howlgalka AMISOM iyo Hay’adaha Gargaarka oo isku raacay in ay ka wada shaqeeyaan arrimaha Beni’aadanimada Soomaaliya

0

Howlgalka AMISOM ee Somalia iyo hay’adaha Gargaarka ayaa isku raacay in ay ka shaqeynayaan dhinaca Arrimaha Beni’aadinimada ee Somalia kadib kulan ay ku yeesheen Magaalada kismaayo.

Hay’adaha Gargaarka gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in saraakiil ka tirsan AMISOM ay dhawaan isku afgarteen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac si sare loogu qaado dhinaca deganaanshaha iyo Nabadda dadka u baahan gargaarka.

“ujeedada kulanka AMISOM iyo hay’adaha gargaarka wuxuu ahaa sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen sidii dadka ay u  heli lahaayeen xaalada Nabad Geylo oo ay ku heli karaan deeqaha ben’aadinimo”sidaasi waxaa yiri Madaxa qaybta Gargaarka ee Howlgalka AMISOM Jackson Basoronga.

Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in AMISOM ay qaaday tallaabooyin  muhiim ah oo looga hortagayo in Al Shabaab  ay caruurta yar yar ay qortaan si ay ugu dagaalmaan.

Mr Jackson ayaa xusay kulankooda sidoo kale Diirada lagu saaray dib u dejinta Qaxootiga faraha badan ee ka imaanaya xeryaha Dhadhaab si ay u helaan goobo ammaan ah oo ay ku soo laabtaan.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ilaa iyo sanadkii hore ay Somalia ku soo laabteen 6,000 oo qaxooti ah oo ka yimid dhinaca xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya.