Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta Magaalada Beydhabo Tababar ugu soo xiray ciidamo Boolis ah kuwaas oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Munaasabada Tababarka loogu soo xirayay ciidamadan Booliska ah ayaa waxaa ka qeyb galay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekunaa, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Saraakiil ciidan, AMISOM iyo xubno kale.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa gaba gabadii ciidanka kula dar daarmay in ay ka shaqeeyaan hormarka iyo sidoo kale wax u qabashada Bulshada ku nool Koonfur Galbeed.