Safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Al Othman ayaa waxa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka wada hadleen xiriirka labada dal.
Labada dal ayaa waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah xiriirka labada dal, horumarka gobolka, Dhaqaalaha, xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimaha danaha labada dhinac.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dowladda Imaaraadka Carabta iyo shacabkeeda, isagoo ku amaanay sida mar walba ay ula garab taagan yihiin taageerada aan xadka laheyn ee ay siinayaan Soomaaliya.
Safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Al Othman ayaa sidoo kale dhankiisa waxa uu u mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in madaxweynaha dadaal ugu jiro sidii uu u xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya labada dal.
Ugu dambeyn Safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Al Othman ayaa sheegay in ay sii laba laabayaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoo amaanay horumaradii u dambeysay ee ay sameysay dowladda Federaalka.