Kulan ay ku yeesheen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,Odayaasha Dhaqanka Maamulka Galmudug ayey Puntland ku eedeeyeen in ay dagaal sokeeye huritiisa ka wadaan Bariga Gobolka Mudug,halkaas oo lagu dilay dad dhowr ah.
Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka Galmudug,Yaasiin Max’ed Gaanni,ayaa sheegay in ay ka warhayaan in Puntland ay dhibaato colaadeed ka waddo bariga Mudug,halkaas oo uu sheegay in dad hubeysan oo dhanka Puntland laga soo abaabulay ay dilal u geystaan dadka rayidka ah.
Dowladda Federaalka iyo Maamullada Galmudug iyo Puntland ayuu ka dalbaday in ay arrintaasi wax ka qabtaan,waxaana uu ku sheegay haddii ay sii socoto in ay soo celin karto dagaalladii sokeeye ee dadka deriska ah ku dhexmari jiray halkaasi.
Ciidamo gaar ah oo uu sheegay in ay Puntland leedahay islamarkaana wata Gaadiidka Puntland ayuu sheegay in ay Colaad laga soo gudbay 20 Sano ka hor ay hadda soo celiyeen.
HALKAAN KA DHAGEYSO