Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qaban in doorashadu ay u dhacdo sida loo qorsheeyey, isla markaasna aysana marnaba walaac dambe qabin hadii si deg deg ah loo fuliyo qorshayaasha taagan.
Madaxweynaha oo la weydiiyey arrimaha Khaatumo & Maakhir oo ay shaqsiyaad sheeganayaan, wuxuuna si cad u sheegay in cidda rasmiga ah ee arrimaha ka shaqeynay ay noqonayso dawladda Puntland.
Madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in arrimaha ku saleysan xulashada xubnaha gobalada Sool, Sanaag & Cayn ay tahay mid ay leeyihiin Shacabka Puntland, wuxuuna sheegay in aysan waxba ka jirin arrimaha ay sheeganayaan siyaasiin xil doon ah oo ay magacyo meelo cidlo ah lala joogo.
HALKAAN KA DAAWO WAREYSIGA