Warar ay baahiyeen warbaahinta qaarkood ayaa sheegayey in uu Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake heshiis qarsoodi ah u saxiixay dawladda Itoobiya, kaas oo ku kacaya aduun gaaraya 2.6 Malyan oo Dolar, qeybna ka ah dibu dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.
Dabagal dheer oo ay sameysay PTIMES waxay u cadeeyeen Saraakiil katirsan Xaafiiska RW Sharmaake in aysan waxba ka jirin wararkaas, uusana jirin heshiis lacagtaas ku baxaysa oo Soomaaliya usoo maraya Itoobiya.
Heshiiskaas oo la sheegay in ay dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayaan dawladdaha UK, Imaaraatka Carabta & Mareykanka ayaa beenoobey, waxaana la cadeeyey in Itoobiya ay taageerayso oo kaliya ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.
Raysalwasaare Sharmaake wuxuu xooga saarayey bilihii u dambeeyey sidii loo dhisi lahaa awood ciidan oo ay yeelato Soomaaliya, isagoo si gaar ah booqashooyin ugu tagey dalalka Imaaraatka Carabta, Ruushka, Mareykanka & UK oo ay dhamaantood arrimahan ka wada xaajoodeen, si kor loogu qaado tayada iyo tabarta ciidamada Soomaalida.
Xukuumada Itoobiya ayaan waxba qorshahan lug ah ku laheyn, siiba dhismaha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, marka laga reebo tababarada ay siinayaan ciidamada Xooga dalka oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.
Saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyey in uu jiro mashruuc weyn oo ay taageerayaan dawladdaha Imaaraatka, Jarmalka & UK, kaas oo dib loogu hagaajinayo ciidamada dalka Soomaaliyeed, gaar ahaana qorshaha Isku dhafka ciidamada dalka oo hadda ka socdo meelo badan oo kamid ah dawlad gobaleedyada dalka.
Soomaaliya ayaa hadda kasoo kabanaysa dagaalo ay mudo dheer ku jirtay, waxaana hadda gabo-gabo maraya qorshaha dibu dhiska ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, kaas oo ay horey ugu heshiiyeen Madaxda Madasha Wadatashiga ee Soomaalida.
AMISOM hadda waxaa ka jooga Soomaaliya ciidamo ka badan 22,500 Askari, kuwaas oo shaqada ay qabtaan la aaminsan yahay in ay qaban karaan ciidamada Difaaca ee Soomaaliya oo la kala qalabeeyey.