Odayaal, Xildhibaano & Wasiiro katirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kana soo jeeda Somaliland oo shir ku qabtay galabnimadii 09 August 2016 ayaa sheegay in xubnihii ay xaqa u lahaayeen la siiyey dawlad gobaleedyada qaarkood.
Odayaasha & Xildhibaanada oo hadlay waxay sheegeen in aysan helin wixii ay xaqa u lahaayeen, iyagoo ula jeeday in xubno dheeraad ah oo ay heli lahaayeen la siiyey Puntland.
Shaqsiyaadka qabtay shirkan Jaraa’id waxay ka hadlayeen sida muuqata xubnaha gobalada Sool, Sanaag & Cayn oo la raaciyey Puntland, lana diiday in laga soo xulo magaalada Muqdisho.
Warar hoose oo soo baxay ayaa sheegaya in xubnaha gobaladan ka soo jeeda ee kal hore raaci jiray dhinaca Somaliland qeybteeda hadda lagu soo daray Puntland, iyadoo ay korortay tirada xubnaha labada gole ee lagu dooran doono caasumada Puntland ee Garoowe.
HALKAAN KA DAAWO