Baaq Ku Socda Dhammaan Bulshada Somaaliyeed Ee Gobolada 6da Ah +1 Shabeelada dhexe.

0

baaqKu: Dadweynaha 2da Jubbooyin, Gedo, Bay, Bakool , Shabeelada hoose iyo Shabeelada dhexe

Waxaan walaalahaan halkaan kore ku xussan igu baaqaynaa in ay u midoobaan badbaadinta Deegaamadooda, Dadkooda iyo Diintooda kadib markay kashifantay rajadii laga lahaa in la helo Dowlad Soomaaliyeed oo leh talo,tayo, fakar iyo ujeeddo siyaasadeed oo ay ku hanato Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed taas oo ku cad dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka dhacayay guud ahaan Dalka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan kuwii kadhacayey 6daas gobol iyo waliba Gobolka Shabeelada dhexe

Waxaan Ummadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in ay Dowladdii Ummadda Soomaaliyeed ay  dhowreysay ay dhumisay kalsoonidii Ummadda kadib markey ka badin weyday daneysi shaqsiyaadeed, Mooryaameyn Qabiil iyo aqoon iyo fakar yari baahsan iyo waliba falal foolxumo badan oo lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu soo daashatay muddo dhan 23 sano

Annagoo ah Gudiga Qurbo joogta kasoo jeeda deegaamadaas (The Seven of Somali Western Regions Committee) waxaan baaqan wada jirka ah u direynaa dhammaan walaalaha kale ee ku abtirsada Deegaamadan kor ku xussan

Baaqani waxuu hordhigayaa in la helo wada shaqeyn buuxda oo ay yeeshaan dhammaan walaalaha wada daga Deegaamadaas kor ku xussan

Baaqani waxuu canbaareynayaa ku xadgudbidda iyo ku gaboodfalyada mabaadiida Dowladnimo

Baaqani waxuu canbaareynayaa duulimaadyada ku salaysan dhulbalaarsiga shisheeye ee bannaanka lagasoo abaabulayo iyo waliba ogaansho la’aanta u garbineysa damaacigaas shisheeyaha

Baaqani waxuu farayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed in ay ka fiirsadaan kalsoonida ay u haynkaraan Dowladdan u fashilantay wax qabad la’aantaas baahsan, Siyaasad xumadaas, musuqmaasuqaas iyo waliba garasho la’aantaas

Waad mahadsantihiin

The Seven of Somali Western Regions Committee

Ahmed Mohamed
Birmingham Centre

Isha Ku Hay Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com