Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax Cali Seeko oo ka tirsan Siyaasiinta Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya aan looga baahaneyn in ay sameeyeen dib u dhac kale oo ku timaada doorashada Soomaaliya.
Cali Seeko ayaa sheegay hadii madaxda Soomaaliyeed ay dib u dhigeen doorashada Soomaaliya aan hada looga baahneyn in ay waqti dheeri ah ku sii darsadaan xiligii loogu daray.
Siyaasiga Cali Maxamuud Faarax Cali Seeko ayaa walaac ka muujiyay in doorashado ay ku dhacdo waqtii loogu tala galay marka la eego shaqooyin badan ee horyaala dowladda Soomaaliya.
Qaar ka mid ah Siyaasiinta iyo hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada ayaa walaac ka muujiyay in doorashadu ay ku dhacdo waqtiga ay u qorsheeyeen hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed.
HALKAAN KA DHAGEYSO