TOP+SAWIRRO:- Ciidamada Maamulka Khaatumo oo ku dhaqaaqay Talaabo ka careysiineysa Puntland

0

Ilaa 260 Askari oo kamid ahaa Ciidanka Maamulka Khaatumo ayaa si toos ah ugu biiray Maamulka Somaliland, kadib munaasabad Iagu qabtay deegaanka carawayn oo 45 km u jirta Magaalada Buuhoodle.

Waxaa ka qeyb-galay kulanka wasiirka gaashaandhiga Maamulka Soomaaliland iyo saraakiil Somaliland ka socday waxaa sidoo kalena ka qayb galay Wasiir xigeenka boostada Cismaan Garad Soofe oo kasoo shaqeeyay sidii 260 Askari ay uga mid noqon lahaayeen Somaliland.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa,iyadoo wada-hadalo ay u socdaan Maamulka Khaatumo iyo Somaliland.

1 2 3 4 5 6