Wararkii Ugu Dambeeyay ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa Waxa ay Shegayan in Saaka ay Xiran tahay wadada isku Xirta Cadado iyo Dhuusamareeb Waxaana Wararku ay Sheegayaan in wadada ay ka xiran tahay Dhanka Godin labe.
Warar ayaa sheegaya in Wadada ay u xiran tahay Jag boonti la Shegay in meel u dhaw uu yaalay degaanka Godin labe balse mid kale hadana la soo dhigay waxana arintan ay keentay in wadadaasi ay xiranto Waxana goobaaasi horay wax ugu canshuuri jiray amaba Maamuli jiray Maamulka Galmudug.
Waxa jidgooyinkaasi saaka dhigtay Ciidamo isa soo abaabulay sida la shegayo kuwaasi oo aan mudo mushaar la siinin Gadiid Badan ayaa Saaka ku xayiran halkaasi waxaana warbaahinta gudaha Ay xiriir la sameysay Maamulka Galmudug balse ilaa iyo hada wax jawaab ah kama aysan bixin dhacdadan isbaarada cusub lagu dhigtay.
Ciidankan Gadoodsan ee Wadada xiray ayaa waxan ay ka tirsan yihiin Maamulka Galmudug iyadoona wali halkaasi gadiid xamuul ilaa iyo xalay ay ku xayiran yihiiin.