Wasiirada Wasaarada dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah Muqdisho uga furay shirka looga hadlaayo sida ay dhalinyarada Soomaaliyeed uga qeyb qaadan karaan suggitaanka ammaanka dalka.
Shirka Maanta ka furmay Muqdisho waxaa goobjoog ahaa wasiirada dhalinyarada u qaabilsan maamul goboleedyada ka jira dalka Soomaaliya , ururada dhalinyarada, iyo quburo ka socdo dalalka deeqbixiyaasha caalamka.
Shirka inta uu socdo ayaa waxaa looga hadli doonaan sida ay dhalinyarada Soomaaliyeed uga qeyb qadan karaan nabadda iyo suggitaanka ammaanka Dalka Soomaaliya.
Wasiirada Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Nuux oo shirka Furay ayaa sheegay in uu yahay shirka mid muhiim ah , islamarkaana inta uu socdo lagu faaqididoono sida ay dhalinyarada Soomaaliyeed uga qeyb qaadan karaan suggitaanka amniga dalka.
Wasiir Nuux ayaa intaas ku daray in la midayn doono dhalinyarada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Waa shirkii ugu horeeyay oo looga hadlaayo dhalinyarada iyo suggitaanka amniga oo ay soo qaban qaabiso wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya.
HALKAAN KA DHAGEYSO