XOG XASAASI AH:- Xaggee laga soo qabtay Saraakiishii Shabaabka ahaa ee laga soo qabtay Xaafadda Baraxley ee Gaalkacyo?

0

Saxaafada ayaa heshay xogo dheeraad ah ka heshay qaabka loo soo qabtay in ka badan 4 qof oo katirsanaa kooxaha Al- Shabaab oo laga soo qabtay Xaafadda Baraxley ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada DANAB Soomaaliya & PSF-ta ee Puntland ayaa si wadajir ah 09 August 2016 howlgal qorsheysan oo deg deg ah ka fuliyey Xaafadda Baraxley guri kuyaala, waxaana la soo qabtay mid kamid ah Saraakiishii ugu sareysay ee Al- Shabaab.

Ninkan lasoo qabtay wuxuu qaabilsanaa Qaraxyada, IT-ga iyo dajinta qorshe kasta oo ay kooxdan ku howlgalayso, waxaana xogihiisa si toos ah ula socday ciidamada Puntland & kuwa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Halka laga soo qabtay kooxdan dhagar-qabayaasha ah ayaa masaafo yar u jira gurriga mid kamid ah Taliyaasha ciidamada Galmudug.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in mid kamid ahaa horjoogayaashii kooxdan la baadi-goobayey uu ku jiro gudaha magaalada, ayna dabagal dheer ku hayaan ciidamada Amnigu.

Galmudug ayaa diidey qabashada shaqsiyaadkan ka hor intii aysan Imaan ciidamada DANAB, waxaana loo sheegay xogaha la xariira cadowgan ku jira gudaha Gaalkacyo, laakiin dhagaha ayey ka fureysteen in ay wax ka qabtaan, taas oo keentay in ugu dambeyntii lasoo qabto kooxahan Argagixisada ah.

Dawladda Puntland ayaa soo dhaweysay howlgaladan, waxaana banaanka u soo baxday warar horey uga soo baxay Maamulka Gobalka Mudug oo ku saabsanaa in dilalka qorsheysan ay ka geystaan shaqsiyaad kusugan Koonfurta Gaalkacyo.