Iyadoo Xiisad dagaal ay ka jirto Deegaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxa arintaasi ka hadlay maamulka deegaanka oo digniin udiray Maamulka Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telekom.
Xiisada waxa ay ka dhalatay Dhul la sheegay inay si xoog ah ku dooneyso waa sida hadalka loo dhigay Shirkada Hormuud oo ilaa shan kilo mitir ah dadkuna ay kasoo horjeesteen.
Gudoomiyaha Deegaanka Leego Abuukar Cabdullaahi Isaaq (Al Cadaala) oo wareysi siiyey Warbaahinta Muqdisho qaarkood ayaa kasoo horjeestay arinta Hormuud ay sameeneyso kana digay dhibaato dagaal oo deegaanka dadka deggan ku dhexmaray ayna sabab u noqoto Shirkadaasi.
Waxa uu Abuukar Al Cadaala sheegay in looga baahan yahay joojinta dhulkaasi ay la wareegeyso inta xiisada ay jirto hadii kale uu tilmaamay ay iyadu qaadi doonto wixii dhibaato Shacabka deegaanka isgaarsiiyaan.
HALKAAN KA DHAGEYSO