Taliyaha Saldhiga Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Webiga mara degmadaasi ay ka heleen Meydka qof horay loo dilay.
Isagoo Shabelle qadka Telefoonka ugu warramayay Taliyuhu ayuu intaas ku daray in ay jiraan Tuhunno ay qabaan oo ku aadan in Meydka ay Webiga ka heleen uu ka mid ahaa 3 Nin oo dhawaan Al Shabaab ay ka afduubteen degmada Bardhuubo.
Sidoo kale Taliyaha ayaa xaqiijiyay in Meydka Marxuumkaasi ay ka heleen Webiga ay aaseen haatan.
Geesta kale Taliyaha Saldhiga degmada Buurdhuubo ayaa hoosta ka xariiqay in ay ku guda jiraan dadaallo ku aadan xaqiijinta meesha ay ku dambeeyeen raga Al Shabaab dhawaan ay ka afduubteen degmadaasi Buurdhuubo.
Ugu dambeyn ayuu Taliyuhu shaaca ka qaaday in Ciidamada degmada Buurdhuubo ee dowladda Federaalka ka tirsan ay had iyo goor diyaar u yihiin sugida ammaanka Shacabka.