Iyadoo ay soo baxayeen Warar sheegaya in Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee ay taallo Gogoshiisu Magaalada Jowhar ee Xarunta Shabellaha Dhexe loo soo wareejinayo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Warkaas been abuur ku tilmaamay Urur Goboleedka IGAD.
Mas’uul ka tirsan IGAD ayaa KNN u sheegay in aysan jirin wax shir ah oo laga soo Wareejinayo Magaalada Jowhar islamarkaana Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexee uu dib uga furmi doono Magaalada Jowhar.
“IGAD waxaa ay wadaa Dadaallo lagu dar dar galinayo Shirka Maamulka loogu dhisayo Labada Gobol Ee Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo sidii Shirkaasi uu u miro dhalilahaa”ayuu yiri Mas’uulka u hadlay IGAD.
Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa Mudo Sanad ku dhaw Gogoshiisu ay taalay Magaalada Jowhar,waxaana Wajigii Koowaad Bishii Janaayo ee Sanadkaan Jawhar ka furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.