DEG DEG:- Itoobiya oo Xirtay Xadka ay la wadaagto Gobolka Galgaduud

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay xirtay soohdinta ay la wadaagto Gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha degmada Balanbale Jaamac Xayle Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay xirtay soohdintii ay la laheyd Gobolka Galgaduud.,waxaana uu Xusay in aysan Ogeyn Sababta ay y=u xirtay Xadka.

Degmada Balanbale ayaa waxa ay soohdin la leedahay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana ka dhaxeeya xiriir Ganacsi, mid amni iyo arimo kale.

Arintan ayaa waxa ay ku soo aadysaa xilli Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Booqasho ku tagay Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.