DHAGEYSO:- Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in ay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ku dileen Gobolkaasi

0

Guddoomiye ku xigeenka aminga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdulahi ayaa shegey in werar xalay ka dhacay deeganka luuqa jeelow lagu dilay  Madaxihii howlgalada Al shabaab ee Hiiraan oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali, ay  fuliyeen  Ciidamada dowlada oo garab ka helay mid ka kamid  ah maleeshiyadka  gobolkasi  oo ka careysan dilka nin Nabadoon ah oo Al shabaab ay horey  u dileen.

Waxaa uu sidoo kale sheegey masuulkaan in hadda ay baaritaan ku aadan sida ay xalay wax uga dhaceen degaanka luuqa jeelow, inkastoo uusan si rasmi ah u xaqiijinin cida gacanta ku haysa Degaankaasi.

Guddoomiye Xigeenka Gobolka Hiiraan,Maxamed Ibraahim Cabdullahi,ayaa sheegay in degaanka ay wali xaaladdiisa kacsan tahay islamarkaana Ciidamadii ku dagaallamay halkaasi ay wali heegan ku jiraan,islamarkaana meeshaasi waxkasta laga filan karo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-