Madaxda Twitter oo beeniyay in ay 2017ka Hawada ka baxayaan

0

Madaxda Sharikadda Twitter ayaa beeniyay warar xan ah oo soo galay suuqa,kuwaas oo sheegay in qeybta Fariin qoraaleedka Twitter hawada laga saarayo Sanadka 2017ka,waxaana ay ku tilmaameen war aan sal iyo raad lahayn.

 

Afhayeen u hadlay Twitter oo xantaas farriin uu kaga jawaabayay u diray Reuters ayaa sheegay in marnaba aysan jirin in ay ka baxayaan suuqa,waxaana uu ku tilmaamay kuwa ka dambeeyay been abuurka macna laawayaal ka xun horumarka ay sameyneyso Sharikadda Twitter.

 

Wararka ugu badan ee maalmahan warbaahinta Bulshada ayaa noqday sababta keeneysa in Twitter qeybteeda farriimaha laga saaro Hawada,waxaana ay dadku uga jawabayeen siyaabo kala duwan.

 

Holaha ka dhanka ah warkaas ayaa Warbaahinta hareeyay ilaa Khamiistii waxaana adeegsadayaasha Twitter ay hal ku dhig ka dhigteen #badbaadi Twitter, oo ay raaciyeen Hashtag si ay u gaarto dad badan,waxaana baahisay in kabadan 100,000 oo Ruux.

 

Meelaha lagu dhaliilo Twitter,waxaa ka mid ah in farriimaha lagu diro aan wax looga sheegi Karin Booliska,islamarkaana siyaasaddeeda gaarka ah ay manuuceyso,waxaana warka ay beeniyeen markii ugu horreysay uu ka yimid adeegsada ka mid ah Rukunkeeda oo ku cowday in uu ka xun yahay in Twitter qeybta farriimaha la dambiyo 2017ka.

 

Bishii la soo dhaafay Twitter,ayaa xayirtay adeeg uu lahaa mid ka mid ah Rukunkeeda,kas oo ah tafafatiraha barta la yiraahdo Breitbart tech,laguna magacaabo Milo Yiannopoulos,waxaana ay ku eedeysay in uu gefaf iyo gaboodfallo ka dhan ah Bani aadamka u adeegsaday Twitter.