Maamulka Degmada Balamballe ee G/Galgaduud ayaa waxa ay soohdin la leedahay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana ka dhaxeeya xiriir Ganacsi, mid amni iyo daaqa xoolaha.
C/Risaaq Axmed Xalane,Guddoomiyah Degmada Balamballe ee Gobolka Galguduud ayaa sheegay in aysan garaney sababta ay Ciidanka Itoobiya k=u xireen Xadka ay degmadaasi la wadaagto maamulka Soomaalida ee Itoobiya maamusho.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in hadda lagu jiro xilli jiilaal ah islamarkaana dadka ku nool dhanka kale Biyaha ay cabayaan Booyado looga qaado Magaalada Balambbale ee Gobolka Galguduud.
C/Risaaq,waxaa uu intaa raaciyay in Degmadaasi uu ka taliyo maamulka Galmudug,islamarkaana uu amnigeedu aad u wanaagsan yahay,wax amni darro ahna aysan dhex marin.
Ciidanka Liyuu Booliska ayuu sheegay in ay maageen xiridda Sohdinta iyada oo Dadka halkaasi ku dhaqan ay u badanyihiin xoolo dhaqato isaga kala goosha labada dhinac.
Hoos ka Dhageyso Codka:-