Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Luuq Jeelow oo ka tirsan Gobolka Hiiraan Ururka Shabaab ayaa deegaankaasi waxa ay ku xir xireen qaar ka tirsan dadka deegaanka.
Xariga dadkaan Shabaabka ay u geysteen saaka ayaa yimid, ka dib markii xalay deegaankaasi uu ka dhacay dagaal ay soo qaadeen Xubno Maleeshiyaad ah oo ka soo jeeda deegaanka.
Shabaabka weerarka ku soo qaaday ayaa la sheegay inay ka caroodeen dil loo geystay nin Nabadoon ahaa, dilkaasi oo Shabaabka lagu eedeeyay.
Wararka waxa ay sheegayaan Shabaab inay xabsiga dhigeen dad kor u dhaafaya 10 ruux, oo dadka deegaanka ah waxaana dadkaasi ay ku eedeeyeen inay xiriir la leeyihiin maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.
Qaar ka tirsan Bulshada deegaanka Luuq Jeelow oo diiday in Wareysi laga qaado ayaa sheegay inay jirto cabsi xoogan, dadka Shabaabka ay xireena ay isugu jiraan Odayaal iyo Rag dhalinyaro ah.
Waxaa la sheegay sababta dadkaasi loo xiray inay tahay inay bixiyeen macluumaadka ku aadan ciidanka Shabaab ee Magaalada ku sugan oo xilliga weerarka xalay dhacaayay ahaayeen kuwa aanan badneyn, sidaasina ay ku suuragashay in Shabaabka la soo weeraro.
Maleeshiyaadka xalay weerarka ku soo qaaday Deegaanka Luuq Jeelow ee Gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay dileen Sarkaalkii Shabaab u qaabilsanaa howlgelinta ciidamada Shabaab ee Gobolka Hiiraan.
Shabaab ilaa hada wax faah-faahin ah kama aysan bixin dilka la sheegay in loo geystay Sarkaalkaasi iyo dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka.