TOP NEWS:- Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay.

0

Mogadishu, 13 August 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Golaha wasiirada oo ansixiyey Siyaasada Dowladda ee isa-soo dhiibayaasha ka soo laabta Fikirka Xag-jirnimada, 250 Ciidanka Booliiska ah oo tababar loogu soo xiray Baydhabo, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dowlad Goboleed (GHDDDG) oo la magacaabay, Madasha Hoggaanka Qaran oo ansixiyey wakhtiyeynta doorashada 2016, Danjiraha Mareykanka oo Waraaqihiisa Aqoonsi laga guddoomay, Dowladda Jarmalka oo taageereysa ciidamada Xooga Dalka, Dhismo Iskuul oo la dhagax-dhigay deegaanka Kongo ee gobolka SH/Dhexe, Shirka Golaha Wadatashiga Dowladaha Hoose oo Baydhabo lagu soo gabogabeeyey, Dhismaha Dugsiga Sare ee degmada Caabudwaaq oo xariga laga jaray, Xafiiska SONNA oo laga furay gobolka Hiiraan iyo Dugsiga Sare ee Ceeldibir oo la dhagax-dhigay.

Golaha wasiirada oo ansixiyey Siyaasada Dowladda ee isa-soo dhiibayaasha ka soo laabta Fikirka Xag-jirnimada

Golaha Wasiirada ayaa shirkoodii caadiga ahaa ee 11ka August 2016 ayaa ansixiyey Siyaasada dowladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada. Wasaarada Amniga Gudaha ayaa laga dhageystay warbixin una soo jeediyey golaha in la ansixiyo siyaasadda dawladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada oo muddo 3 isbuuc ah horyaalay golaha. Qaab siyaasadeedkaan ayaa ka hadlaya sida loo la dhaqmayo dadka ka soo laabta xagjirnimada, golaha wasiirada ayaana dood dheer ka dib si rasmi ah u ansixiyay qaab siyaasadeedka.

250 Ciidanka Booliiska ah oo tababar loogu soo xiray Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa 9kii August 2016 magaalada Baydhabo tababar ugu soo xiray 250 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo loo qorsheeyay in ay ka howlgalaan degmooyinka Gobalka Bakool. Taliyaha ayaa ciidamada tababarka loo xirey kula dar-daarmay in ay si daacad ah ugu adeegaan bulshada ku dhaqan deegaanada ay ka howlgalayaan, islamarkaana ay ilaaliyaan sharafka Booliska Soomaaliyeed, kana hortagaan kooxaha caadeestay dhibaateenta Umada Soomaaliyeed.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dowlad Goboleed (GHDDDG) oo la magacaabay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa magacaabay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dawlad Gobolleed (GHDDDG) ee Sanadka 2016. Fadlan linkiga hoose ka Akhriso Digreetada Ra’iisul Wasaaruhu ku magacaabay Guddiga.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa magacaabay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Dawlad Gobolleed

Madasha Hoggaanka Qaran oo ansixiyey wakhtiyeynta doorashada 2016

Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 02 – 09 Agoosto 2016ka. Kulanka waxaa shir-guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweyne ku-Xigeenka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Cabdi.
Ujeeddada shirkani waxay ahayd in la dhammeystiro arrimaha qabyada ka ah hirgelinta hannaanka doorashooyinka qaran ee 2016ka oo ugu danbeyntii ay go’aamiyeen in doorashada Aqalka Sare la qabto 25ka September, halka doorashooyinka xubnaha Baarlamaanka dhacaan 24ka Spetember ilaa 10ka October, ka dibna doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka 25ka October iyo doorashada Madaxweynaha 30ka October 2016. Warmurtiyeedka shirka linkigan hoose ka akhriso

Shirka Madasha wada tashiga oo goor dhow la soo gabagabeeyay lagana soo saaray War-murtiyeed

Danjiraha Mareykanka oo Waraaqihiisa Aqoonsi laga guddoomay

Danjiraha Dowladda Mareykanka u soo magacowday Soomaaliya Stephen M. Schwartz ayaa 9kii August 2016 nuqulka waraaqaha aqoonsiga danjirenimo waxaa ka guddoomay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya mudane C/salaam Hadliye Cumar Madaxweynaha dalka Mareykanka Bracka Obama ayaa danjire Schwartz si rasmi ah ugu magacaabay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya. Danjire Schwartz ayaa sheegay in magacaabistiisa ay tahay calaamad muujineysa sida uu u xoogeystay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, isagoo noqoneya safiirkii ugu horeeyay Mareykanka u soo diraan Soomaaliya muddo ka badan 25 sano.

Dowladda Jarmalka oo taageereysa ciidamada Xooga Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa 9kii August 2016 magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wafdi ka socda dawladda Jarmalka oo hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka u qaabilsan arrimaha dalalka Africa Danjire Georg Schmidt, Waxana ay Ka wada hadleen xoojinta taageerada ay siiso Dawladda Jarmalka Ciidanka Xoogaa Dalka. Wasiir Diini ayaa uga mahadceliyey Jarmalka taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhanka Dhismaha Ciidamadda.

Dhismo Iskuul oo la dhagax-dhigay deegaanka Kongo ee gobolka SH/Dhexe

Deegaanka Kongo ee duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa 8dii August 2016 waxaa laga dhagax dhigay dhismaha islkuul ay wax ku bartaan dadka deegaanka oo ay iska kaashadeen qeybaha bulshada. Gudomiyaha Deegaanka Kongo Axmed Tifoow ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay dhismaha iskuulka. Ku simaha Gudoomiyaha gobolka Sh/Dhexe ahna gudoomiye ku xigeenka arrimaha dib u heshiisinta iyo Federaalka Abuukar Cali Maqaani ayaa bogaadiyay dadaallada dadka deegaanku ay ku hormarinayaan adeegga bulshada. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cismaan Cali “Dhagax tuur” ayaa sheegay in iyada oo lagu jiro waqti adag hadane ay wax lagu farxo ay tahay in dadku ay ka shaqeynayaan horumarinta adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada

Shirka Golaha Wadatashiga Dowladaha Hoose oo Baydhabo lagu soo gabogabeeyey

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa 7dii August 2016 magaalada Baydhabo kusoo xiray shirka golaha wadatashiga Dowladaha Hoose ee Wadajir oo muddo afar cisho ah ka socday magaalada Baydhabo. Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa wasiirka ku wehliyey socdaalkiisa. Qodobada shirka ka soo baxay waxaa ka mid ah in Guddiga farsamada ee sameynta Goleyaasha Dowladaha Hoose ee heer maamul goboleed iyo Qorshe howleedkooda, In goluhu uu dajiyay, isla markaana ansixiyay jadwalka geeddi socodka dib-u-heshiisiinta iyo dhisidda goloyaasha dowladaha Hoose, in la sameeyo xarun lagu mideysanyahay oo qaabilsan kormeerka iyo qiimeynta howlaha wadajirka ah ee fududeynaya isla xisaabtanka, waxa sidoo kale la isku raacay kala horeynta hanaanka loo marayo dhisidda goloyaasha deegaanka iyo dib u heshiisiinta bulsahda degmooyinka.

Dhismaha Dugsiga Sare ee degmada Caabudwaaq oo xariga laga jaray

Munaasabad xariga looga jarayay Dugsiga Sare ee degmada Caabuudwaaq ayaa lagu qabtay qabtay degmda Caabudwaaq. Dhismaha Iskuulkan ayaa waxaa si wadajira dhismihiisa uga wada qayb qaatey Dowladda Federaalka iyo Hay’ada USAID. Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Xaamud Cali Xasan iyo Guddoonka waxbarashada Gobolka Banaadir Cabdicasiis Nuur iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare ee Galmudug Sheekh Ibraahin Sheekh Xasan iyo Agaasimaha Wasaaradda waxbarashada Galmudug Axmed Cusmaan Cali, Maamulka degmada, iyo qaybaha kala duwan eee Bulshada ayaa ka soo qeybgalay munaasabada xarig jarista. Degmada Caabuudwaaq ayaa ardeydeedu waxey seddex ka mid ah ka mid noqdeen 10kii ardey ee dalka oo dhan ugu darajada sareysey. Saddexdaas Arday ayaa la guddoonsiiyay min shan boqol oo doolarka Mareykanka ah oo ah lacag lagu dhiiri gelinayo, taasi oo ay iska soo urruuriyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Chicago ee Dalka Mareykanka, Urur la yiraahdo DDF iyo Guddiga garoonka diyaaradaha Caabudwaaq.

Xafiiska SONNA oo laga furay gobolka Hiiraan

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa 10kii August waxaa si rasmi ah looga furay xafiiska Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA. Xafiiskaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo laga furo magaalada Baladweyne tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya. Xaflada Furitaanka Xafiiskaan cusub ayaa waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Yuusuf Cali Bahlaawi, Agaasimaha Wakaaladda SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, Agaasimaha Radio Muqdisho Axmed Faarax Siyaad Gaatamow iyo Marti sharaf kale.

Dugsiga Sare ee Ceeldibir oo la dhagax-dhigay

Munaasabadda dhagax dhiga xarunta dugsiga sare ee lagu wado inuu yeesho deegaanka Ceeldibir ee bariga Gobalka Mudug ayaa 6dii August 2016 waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socatay Wasaaradda Waxbarashada iyo kuwa maamulka Gobalka Mudug ee Dowlad gobaleedka Galmdug xubo ka socday. Guddoomiyaha Deegaanka Ceeldibir C/raxmaan Sheekh Xasan ayaa sheegay in baahi dhanka waxbarashada dugsiga sare ah ay ka jirto deegaankaasi, isla markaana ka maamul ahaan ay ku wareejiyeen Wasaaradda Waxbarashada Galmdug dhulkii ay ugu tala galeen in laga dhiso xarunta Dugsiga sare ee Ceeldibir. Dhagax dhiga dugsigaan sare ee Ceeldibir ayaa qeyb ka ah barnaamijka horumarinta Waxbarashada Goballada iyo degmooyinka Galmudug.

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so
Tel. +252 61 2777736 Email: moabharr@gmail.com – Muqdisho –Somalia