Dekeda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo kordhiyay is bedelo cusub, kaasoo ka qeyb qaadan doona bilicda Dekeda iyo inay la mid noqoto Dekedaha caalamiga ah.
Dib u dhiska lagu soo kordhiyay Dekeda ayaa ka mid ah darbiyo dhaadheer oo laga hirgeliyay dhamaan xeyndaabka Dekeda iyo albaab cusub oo loogu tala galay in lagula socdo badeecadaha Dekeda ka soo baxa iyo kuwa galaya.
Albaabkan cusub ayaa sahlaya in lagula koontaroolo badeecadaha baabuurta sida, iyadoo lagu xirayo qalab casri ah oo Scan lagu ogaanaya inta alaab ee saaran, isla markaana sheegaya hadii hub ama waxyaabo kale ku jiraan.
Sidoo kale albaabkan wuxuu meesha ka saari doonta qatarta ka imaan jirtay inay qalibmaan baabuurta xamuulka, taasoo macnaheedu tahay baabuurta sida xad-dhaafka ah loo soo raro in aysan Dekeda ka soo bixi karin, maadaama ay horay u dhaceen baabuur si aad ah loo soo raray in magaalada gudaheeda ku qalibmeen.
Hoos ka Daawo Sawirada:-