Mo Faarax oo ku guuleystay 10-ka kun ee mitir iyo Madax sare oo u Hambalyeysay

0

Orodyahan Mo Farah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee British ah ee markii saddexaad ku guulaysta billadaha dahabka Olympic-ada.

Orodyahankan oo Soomaaliya ka soo jeeda ayaa difaacday horyaalka 10-ka kun ee mitir ee uu horay ugu guulaystay Olympicadii 2012-kii.

33-jirkan ayaa dhulka ku dhacay balse si degdeg ah uga soo kabsaday isagoo awoodda orodkiisa soo bandhigay 100-kii mitir ee ugu dambeysay iskana reebay orodyahanka reer Kenya ee Paul Tanui oo muddaba ka horreeyay oo sidaana uu billadii dahabka ugu guulaystay kaddib markii uu ordayay 27 daqiiqo iyo 5 ilbiriqsi.

Kaalinta labaad waxaa soo galay Paul Tanui oo Kenya u dhashay halka kaalinta saddexaadna uu ku guulaystay Tamirat Tola oo Itoobiya u dhashay.