DHAGEYSO:- Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland oo Eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Dowladda Federaaalka Soomaaliya

0

Maamulka Soomaaliland oo sheegtay kol hore inay ka go’een Soomaaliya Ayaan wlei heli wax ictiraaf ama Aqoonsi ah kuwaasi oo sheegtay inay Jamhuuriyad Madax banaan yihiin.

Wasiirka Warfaafinta Mamaulka Soomaaliland Cusmaan Cabdullaahi Saxar-diid (Cadaani) oo warbaahinta la hadlay ayaa si kulul uga jawaabay hadal kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya.

Wasiir Cadaani ayaa sheegay in Hanti dhowraha Qaranaka Dr Nuur Jimcaale Faarax uusan waxba ka quseyn kana hadli Karin Heshiiska ay Shirkada Ajnabiga la galeyn Arinta Dekada Ber bera islamarkaana uusan faraha lasoo gelikarin qadiyada Soomaaliland sida uu wasiirku hadalka udhigay.

Saxardiid ayaa sidoo kale soo hadal qaaday wadahadalka udhaxeeya Soomaaliland iyo Khaatumo isagoona kaga mahad celiyey sida geesinimada leh Ee Prof.Cali Khaliif Galleyr u ayiday wadahadalka maamulkooda la furay rajana ka qabaan wax miro dhal ah inay kasoo baxaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-