Guddoomiyaha deegaanka Shalaanbood Nuur Jiido ayaa beeniyay warar sheegaya in Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ay dhac ka geysteen deegaankaasi waxaana uu ku tilmaamay weerarkaas mid aan sal iyo raad toona lahayn.
Wuxuu xusay Guddoomiyaha in warbixintaasi la xiriirta boobka la sheegay in Ciidamada dowladdu ay ka geysteen deegaanka Shalaanbood ay ka dambeeyaan dad dano gaar ah leh sida uu hadalka u dhigay.
Geesta kale Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka waxa uu ku dhuftay in Ciidamada Milatariga ee ku sugan deegaanka Shalaanbood ay wada shaqeyn wanaagsan kala dhexeyso shacabka.
Ugu dambeyn ayuu sheegay Guddoomiyaha Shalaanbood in Milatarigu ay gacan ka geystaan sugida Nabad gelyada.