Wararka ka imaanata Al Shabaabka dhexdooda ayaa waxay sheegayaan in khilaaf culus uu soo kala dhex galay taasi oo laga cabsi qabo inuu dagaal ka dhex qarxo.
Deegaanka Luuq Jeeloow ayaa waxa ka arimiya Ururka Al Shabaab kuwaasi oo dhufeysyo ciidanka kala xirtay sida wararka lagu kalsoon yahay ay sheegayaan.
Dadka kusugan Luuq Jeeloow ayaa laga soo xigtay warkaan inkastoo cod ahaan ay ka baqeen in Shabaabka waxyeeleeyaan hase ahaatee jiritaanka Xiisadaasi ayey xaqiijiyeen.
Waxa khilaafkaan gacan ka hadalka ku dhaw loo aaneenayaa Habeen hore oo weerar ka dhacay deegaankaasi lagu khaarajiyey Sargaalkii Al Shabaab uqaabilsanaa Dhinaca Dagaalka Gobolka Hiiraan oo Cabdi Cali lagu magacaabi jiray.
Ururka Al Shabaab ayaa shaki dhexdooda ah iska qaaday oo keentay in la isku kalsoonaan waayo sargaal walibana uu dhowr ilaalo u ah dhinac ubaxsaday.
Dhaq dhaqaaqa magaalada Luuq Jeeloow ayaa maanta aad ukooban Shacabkuna ay dareemayaan Xiisada ka dhex aloosan Shabaabka inay is fara saaraana laga cabsi qabo.