DHAGEYSO:- Madaxweyne Shariif Xasan oo ku baaqay in la sameeyo qorshe Cusub oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in shacabka Koonfur Galbeed ay Hal meel uga soo wada jeestaan ururka Al-shabaab.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in amniga Koonfur Galbeed hada uu yahay mid wanaagsan, isagoo shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay garab siiyaan ciidanka amniga si looga hortago weerarada mararka qaar Shabaab ay Deegaanadaasi ka geystaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in shacabka looga baahan yahay in aysan Qarin dadka falalka amni daro ka geysta Deegaanada Koonfur Galbeed si loo soo qabto Shabaabka mararka qaar dilalka iyo Qaraxyada ka fuliya Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxa uu shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay ka qeyb galaan Doorashooyinka sanadkan ka dhacaya dalka si ay u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin dowladda cusub ee soo socota.

Hoos ka Dhageyso Codka:-